Al Shabaab oo faafisay xogta ninkii isku qarxiyay Beledweyne
MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al Qaacida ayaa baahisay macluumaadka ninkii 23-kii bishaan isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xilli ay ku sugneed afaafka hore ee xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne.
Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay cod laga duubay Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey magaaladda Beledweyne isaga oo nafta dhaafiyay ku dhawaad 50 qof oo isku jiray sharax iyo madax dowladeed.
Sida uu codkaan la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.
Sidoo kale Maxamuud Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadkii 1997-kii uu ku dhashay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ehelkiisu ay deganyihiin.
Ninkaan oo intii uusan is-qarxin laga duubay ku dhawaad 20 daqiiqo oo cod ah, wuxuu ku celcelinayaa in la jahaado oo gaalada lala diriro, laakiin dadkii uu isku qarxiyey dhamaantood waxay ahaayeen Muslimiin, Soomaali, reer Beledweyne ah.
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd gabar ahlu diin ah ayuu toos u beegsaday ninkaan oo isku qarxiyey, waxayna geerida dadka kale ee Aamina la dhintay ay kor u dhaaftay 50 qof, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sanadkii 2016-kii ayuu Maxamuud oo Beledweyne isku qarxiyey 23-kii bishaan ku biiray kooxda Al-Shabaab, mudo ku dhow todoba sano oo uu ka barbar dagaalamayey, Al-Shabaab waxay sheegeen inay mahdiyeen sida uu Maxamuud daacad ugu ahaa howlgallada kooxda.
Maleeshiyada Al-Shabaab warbixinta ay soo saareen waxay ku sheegeen in ninkaan uu intiisa badan ka howlgeli jiray gobolka Mudug, iyadoo bilihii u dambeeyey loo soo wareejiyey gobolka Hiiraan, halkaas oo ugu dambeyntii uu noloshiisa ku soo afjaray, kuna galaaftay nolosha tobanaan qof oo aan waxba galabsan.
Weerarrada oo is xigay ayaa gaarayey ugu yaraan laba qarax, kuwaas oo ka kala dhacay banaanka hore ee xerada Lamagalaay oo Aamina lagu beegsaday iyo kan labaad oo ka dhacay irida isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne.
Al-Shabaab warbixintaan kuma soo darin, hadii uu jiray qof kale oo waday gaarigii ku qarxay banaanka isbitaalka, kaas oo loogu tala galay in lagu dhameystiro dhaawaca Aamina, balse geystay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray dadka, sidoo kalena burburiyey dhamaan qeybihii uu ka koobnaa isbitaalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, dhowr khabiir oo ku xeel dheer arrimaha amniga Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa hadda ka tirsan booliska Hirshabeelle iyo kuwa hore ayaa ka walaacsan in qaraxyadii ka dhacay Beledweyne ay mas’uul ka ahaayeen Al-Shabaab oo kaliya. Qaraxyada ayaa waxaa iska kaashaday NISA iyo Al-Shabaab, sida ay sheegeen.
Booliska Hirshabeelle, ayaa sheegay inay baarayeen warbixin ku saabsan ilaa 10 askari oo aan la aqoonsan oo maalmo ka hor la geeyay magaalada Beledweyne. “Waa saraakiil ka tirsan NISA, maalmo ka hor ayay gudaha u galeen magaalada Beledweyne, baaritaan ayaan ku wadnaa darawalkii gaariga ka soo qaaday garoonka” ayuu yiri sarkaal diiday in magaciisa la xigto.
C/salaan Guuleed oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Weerarkii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu xiriir toos ah la lahaa weerarkii Beledweyne.
GAROWE ONLINE