Al-Shabaab oo iska fogeysay sheegashadda hay'adda NISA

Image
Maleyshiyadda ayaa horey u beenisay in ay ka dambeysay dilkii Ikraan markii ay kooxda Farmaajo ku eedeysay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta la isla dhexmarayay hadal kasoo baxay Hay'ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) kaas oo ay ku sheegtay inay Al-Shabaab qorshaynayso khaarijinta Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta ay NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay madaxda dowladda federaalka u gudbisay warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-Shabaab taas oo ay rabaan in ay ku bartilmaameedsadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hadaba iyadoo qaar badan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ay is wadiinayaan warbixintaan kasoo baxday NISA iyo ujeedada ka dambaysa ayaa waxaa soo baxday warbixin lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka maleeshiyada Al-Shabaab.

Sarkaalka oo aan magaciisa sheegin ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Hay’adda NISA, wuxuu is waydiiyay xilliga ay NISA awoodda u yeelatay inay sii ogaato hawlgal heer sare ah oo ay AS ku beegsanayaan mas'uuliyiinta sar sare ee dowladda.

Sarkaalka u hadlay kooxda Al-Shabaab ayaa yiri: "Waa wax aad loogu qoslo runtii, NISA waxay ogaan waysay markii aan mas'uuliyiinta ridada iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay, waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay, ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn murtadiinta, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen".

Sarkaalka la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan AS, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

"Hadalka kasoo yeeray sirdoonka ridada wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sareysa ee ridada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sarkaalka ka tirsan AS kaas ayaa sheegay in waqtiga lagu soo aadiyay hadalkaas iyo qaabka uu u qoranyahayba ay tilmaamayso xubno gaar ah oo iyagu dareensan halista kusoo wajahan balse aanan lahayn awoodii ay iskaga difaaci lahaayeen halistaas ama ay si cad ugu shaacin lahaayeen inta aysan albaabka usoo gar-garaacin.

"In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha ridadu mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan” ayuu hadalkiis kusoo gunaanuday.

Waxaa xusid mudan in sanaddii lasoo dhaafay Taliska NISA uu si hoose u dilay sarkaalad lagu magacaabi jiray Ikraan Tahliil Faarax kadibna ay ku nabeen Al Shabaab oo iyana markii dambe beeniyay eedayntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM

Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Dowladda ayaa doonaysa inay degmooyinka Gedo kala wareegto maamulka Jubaland xili uu jiro khilaaf xoogan.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 07:44AM