Al-Shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Istiraatiijiga ah ee Xawaadley

Image

XAWAADLEY - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka qasbeen ciidamada Burundi iyo qaar ka mid ah maleeshiyooyinka deegaanka saldhigyadoodii ku yaallay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley, oo qiyaastii 50km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si ula kac ah biyo ugu fatahayay deegaanka, iyagoo isticmaalaya biyo-xireenka dabiiciga ah ee Balcad, kaas oo ah kaydka biyaha ugu weyn Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dadka deegaanka ay maanta arkeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhex muuqanayay Xawaadley. Deegaankani wuxuu leeyahay buundo istiraatiiji ah oo isku xirta gobolka iyo koonfurta dalka, taasoo muhiim u ah isku socodka iyo saadka ciidan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay sii xoojiyaan joogitaankooda halkaas haddii aan si degdeg ah tallaabo looga qaadin.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kusoo xoogeysanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo wareegtay degmada Aadan Yabaal iyo deegaano ku dhaw, waxayna bishii Febuary 2025 gashay degmada Balcad oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Caasimada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM