Al-Shabaab oo la wareegtay Sabiid iyo Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye sare oo katirsan Ciidanka Soomaaliya, Maxamed Nuur oo loo yaqaan Jareere, iyo dhowr ka mid ah ilaalaadiisa ayaa lagu dilay weerar ay ku qaadey Al-Shabaab saaka oo khamiis ah, waxaana weerarku ka dhacay meel u dhow Nambar 50 oo ku taala gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha iyo ciidamadiisa oo katirsana Guutaada 14ka October ayaa ka yimid Awdheegle, wuxuuna gurmad ahaan ugu sii jeeday deegaanka Sabiid oo ku yaal qiyaastii 40 KM dhanka koonfureed ee magaalada Muqdisho, ka dib markii deegaankaasi ay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, oo mudo kooban la wareegtay gacan ku-heynta deegaanka.

Taliye Maxamed Nuur iyo illaa shan askari oo ilaalo ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax miino oo lala eegtay gaadiidkii ay saarnaayeen, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Awdheegle iyo Sabiid.

Xaaladda guud ee deegaanada Sabiid iyo Caanoole ayaa laga dareemayaa xiisad xooggan, iyadoo shacabka iyo ciidamada amniga ay ku howlan yihiin sidii ay u xakameyn lahaayeen xoogagga Al-Shabaab ee weeraradan ka fulinaya gobollada koonfureed ee dalka.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay hadda bilaabeen hawlgallo xooggan si ay u xaqiiyaan amniga deegaanka, kadib markii Al-Shabaab isaga baxday.

Horaantii bishan, Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dishay taliye sare oo kamid ahaa Ciidanka qaranka, kaasoo lagu magacaabi jiray Abukar Abdulle "Garmaqate. Weerar ka dhacay nawaaxiga deegaanka Boos Hareeri oo katirsan Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo diidey xal ka gaarista xaaladda cakiran ee Soomaaliya; mucaaradka: Maxaa la gudboon?

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay…

  • Soomaliya

    13-08-2025

  • 10:46PM

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM