Al-Shabaab oo la wareegtay Sabiid iyo Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye sare oo katirsan Ciidanka Soomaaliya, Maxamed Nuur oo loo yaqaan Jareere, iyo dhowr ka mid ah ilaalaadiisa ayaa lagu dilay weerar ay ku qaadey Al-Shabaab saaka oo khamiis ah, waxaana weerarku ka dhacay meel u dhow Nambar 50 oo ku taala gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha iyo ciidamadiisa oo katirsana Guutaada 14ka October ayaa ka yimid Awdheegle, wuxuuna gurmad ahaan ugu sii jeeday deegaanka Sabiid oo ku yaal qiyaastii 40 KM dhanka koonfureed ee magaalada Muqdisho, ka dib markii deegaankaasi ay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, oo mudo kooban la wareegtay gacan ku-heynta deegaanka.

Taliye Maxamed Nuur iyo illaa shan askari oo ilaalo ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax miino oo lala eegtay gaadiidkii ay saarnaayeen, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Awdheegle iyo Sabiid.

Xaaladda guud ee deegaanada Sabiid iyo Caanoole ayaa laga dareemayaa xiisad xooggan, iyadoo shacabka iyo ciidamada amniga ay ku howlan yihiin sidii ay u xakameyn lahaayeen xoogagga Al-Shabaab ee weeraradan ka fulinaya gobollada koonfureed ee dalka.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay hadda bilaabeen hawlgallo xooggan si ay u xaqiiyaan amniga deegaanka, kadib markii Al-Shabaab isaga baxday.

Horaantii bishan, Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dishay taliye sare oo kamid ahaa Ciidanka qaranka, kaasoo lagu magacaabi jiray Abukar Abdulle "Garmaqate. Weerar ka dhacay nawaaxiga deegaanka Boos Hareeri oo katirsan Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM