Al-Shabaab oo Qabsatay Tuulada Abooreey ee Gobolka Hiraan

Image

BELEDWEYNE - Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe qabsatay tuulada istiraatijiga ah ee Abooreey, taasoo hodan ku ah xoolaha, waxaana ay ku taallaa meel 30 kiilomitir waqooyi kaga beegan degmada Buuloburte, oo ku taal gobolka Hiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xildhibaan Ibrahim Moalimuu, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay qorshaha kooxda Al-Shabaab ee ah "inay dagaalyahanadeeda u gudbiso Galmudug kadib markii ay ku guuldareysteen inay maraan gobolka Shabeellaha Dhexe."

Wuxuu ku baaqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay xoojiso dadaallada looga hortagayo istiraatiijiyadda cusub ee Al-Shabaab, isagoo codsaday in la siiyo taageero ciidan, sahay iyo duqeymo cirka ah si loogu caawiyo dadka deegaanka inay difaacaan dhulkooda.

Al-Shabaab ayaa bishii Ramadan xoogga saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama isku xiro waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, oo Kooxda kala joogto, iyadoo halkan ugu jirta inay hesho wado ay isagu kala gudbaan dagaalyahanadeeda.

Dagaalka ka socda Gobolka waa mid culus oo dowladda loogu tagey goobaha ay maamush ee horey uga saartay Al-Shabaab, waxaana khatar ku tahay amniga Muqdisho hadii Al-Shabaab la wareegtay inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM