Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qarax ku qaadey maqaayad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaa caawa weerar qarax ku bilowday ku qaadey maqaayad ku taala xeebta Liido ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in mas'uuliyiin dowladeed ay joogeen goobta xilliga falku dhacayey. Illaa iyo haatan, lama ogga khasaaraha dhabta ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa kamid ah shaqsiyaadka ku jiray. Jeneraalka wuxuu kasoo baxay goobta daqiiqado kahor inta falku dhicin.

"Qaraxa wuxuu dhacay iyadda oo gaariga taliyaha uu taagan yahay goobta. Isla markiiba waxaa la cararay ciidanka oo si nabad ah ku geeyay gurigiisa," ayuu qof ku dhow Xijaar.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in ciidamadda dowladda ay "si degdeg ah uga falceliyeen falkan argagixiso". Balse, waxay ka gaabsatay in ay soo bandhigto fashilkooda ka hortaga hujuumkan.

"Waanu nabad-qabnaa," ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo lagu waramay in uu kamid ahaa mas'uuliyiinta ku jirta goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudanaha wuxuu kamid ahaa xubno kale oo la afuray taliyeXijaar, oo qudhiisa sanadkan ku guuldareystay isku-day uu ku doonayay in uu kaga mid noqdo baarlamaanka 11aad ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM