Al-Shabaab oo weerar ku bilowdey qarax ku ekeysay saldhig ciidan

Image
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa kordhiyey beegsiga saldhigyada ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowdey ku ekeeyay saldhiga ciidamadda Gorgor ee magaalada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Illo ammaan ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxyada ay xigeen maleyshiyaad u daatay xeradda kuwaasoo iska-caabin kala kulmay ciidamadda ku sugnaa gudaha saldhiga.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in dhinacyadda ay isku-adeegsadeen hub noocyadiisa kala duwan isla markaana uu jiro karo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacc

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay dishay askar iyo in ay gubtey gaadiid. Askartan uu Turkiga tababaray ayaa bilowgii bisha Ramadan tagay aaggan. Illaa haatan, tirokoob lagu sameyn waxyeeladda guud.

Ciidamadda Kumaandooska Gorgor ayaa lagu waramay in loo geeyay Runir-goor sababo sallka ku haya xoojin iyo ka hortagida weerarada ay maleegeyso kooxda Al-Shabaab.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa kordhiyey beegsiga saldhigyada ciidamadda Soomaaliya ay ku leeyihiin goboladda waddanka.

Janaa Cabdalle iyo Daaru-Nimca oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ugu dambeeyay halkaasoo la sheegay in ay waxyeelo geeri iyo dhaawac ay kasoo gaartey ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM