Al-Shabaab oo weerartay aagga aadka loo ilaaliyo ee Muqdisho

Image
Image
Image
Maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu dayacay amniga garoonka Aadan Cadde.

MUQDISHO, Soomaaliya - Rasaas ayaa Arbacada maanta ah waxaa laga soo wariyey dhinaca bari ee garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli kooxda Al-Shabaab ay ku dhawaaqdey in ay weerartay aaggan aadka loo ilaaliyo.

Warbixino horudhac ah waxay sheegayaan in toogasho ay ka dhacdey albaabka Marine halkaasoo ay si wadajir ah u ilaaliyaan ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ah.

Hangarka lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo goobo ganacsi ayaa ku yaala goobtan oo ay ku badan yihiin diblumaasiyiinta iyo ajaaniibta kale.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in laba dabley ay fuliyeen weerarka lagu qaadey garoonka Aadan Cadde. Dabley ayaa adeegsatay hub fudud iyo bambo gacmeed.

Ugu yaraan saddex askari bileys ayaa waxay ku dhaawacantey falkan ay mas'uuliyadiisa dusha-saaratay maleyshiyadda Al-Shabaab kuna tilmaamtay "hujuum saf-ballaaran lahaa".

Hakad ku yimid dhaqdhaqaaqa madaarka Aadan Cadde

Warar madax-banaan ayaa waxay intaas ku darayaan in uu hakad ku yimid dhaqdhaqaaqa garoonka caalamiga ah gaar ahaan duulimaadyadda gudaha dalka iyo dibadda.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in uu dayacay ammaanka madaarka muhiimka ah.

"5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaaga," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!".

Weerarkan oo kusoo aadaya bilooyin kadib markii hay'adaha reer galbeedka ee Soomaaliya ay ka digeen in Al-Shabaab ay beegsatay Xalane ayaa horseedi karta in la badalo meesha lagu dooranayo madaxweynaha 10aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM