Al-shabaab oo degmada Jilib gabar dhallinyaro ahayd ku toogtey

Image

December 2, 2014 (GO)- Kooxda Al-Shabaab ayaa gabar ku toogatey goob fagaare ah oo ku taal degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Gabadha oo 20 jir ahayd laguna magacaabi jirey Ruweydo Maxamed waxaa dil ku xukuntay maxkamadda Al-shabaab kadib markii lagu soo eedeeyey inay basaas u ahayd ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Qaadiga maxkamadda xukunka ridey ayaa sheegay inay cadaymo badan u hayaan in Ruweydo ahayd basaas, kuna soo tababaratay dalka Uganda islamarkaana mushahar ahaan u qaadan jirtey bishii $200.

"seddex maalmood ka hor ayey Ruweydo ka tagtay Kismaayo si ay usoo booqato qaar kamid ah qaraabadeeda oo degmada Jilib ku nool" sidaas waxaa yiri qof aqoon dhow u lahaa gabadha la toogtey oo Garowe Online la hadlay.

Al-shabaab ayaa sanadkan 2014 oo keliya toogatey in ka badan 10 qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo lagu soo eedeeyey dambiyo isugu jira basaasnimo iyo in ay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM