Al-shabaab oo degmada Jilib gabar dhallinyaro ahayd ku toogtey

Image

December 2, 2014 (GO)- Kooxda Al-Shabaab ayaa gabar ku toogatey goob fagaare ah oo ku taal degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Gabadha oo 20 jir ahayd laguna magacaabi jirey Ruweydo Maxamed waxaa dil ku xukuntay maxkamadda Al-shabaab kadib markii lagu soo eedeeyey inay basaas u ahayd ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Qaadiga maxkamadda xukunka ridey ayaa sheegay inay cadaymo badan u hayaan in Ruweydo ahayd basaas, kuna soo tababaratay dalka Uganda islamarkaana mushahar ahaan u qaadan jirtey bishii $200.

"seddex maalmood ka hor ayey Ruweydo ka tagtay Kismaayo si ay usoo booqato qaar kamid ah qaraabadeeda oo degmada Jilib ku nool" sidaas waxaa yiri qof aqoon dhow u lahaa gabadha la toogtey oo Garowe Online la hadlay.

Al-shabaab ayaa sanadkan 2014 oo keliya toogatey in ka badan 10 qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo lagu soo eedeeyey dambiyo isugu jira basaasnimo iyo in ay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo hakiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dowladda Soomaaliya

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 11:55AM

Soomaaliya: Shir weyn mucaaradka u furmay  xilli xiisadda siyaasadeed taagan tahay

Soomaaliya ayaa muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:51AM