Al-shabaab oo shan qof ku afduubay gobolka Gedo

Image

November 7, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab shan qof ka afduubeen meel u dhow degmada Beled Xaawo.

Dadka la qafaashay oo dhamaantood Soomaali ah waxay isugu jiraan saddex dhaqtar iyo  labo dareewal. Dhaqaatiirta ayaa siminaar kusoo qaatay degmada Mandheera ee dalka Kenya waxayna markii la afduubayey kusoo jeedeen degmada Garbahaareey.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab ka dambeyso afduubka islamarkaana la haystayaasha u kaxeysteen dhanka deegaanka Gadoon Dhawe oo ku yaalla inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Ceel-waaq

Qaybo ka tirsan gobolka Gedo waxaa weli gacanta ku haysa kooxda Al-shabaab oo bilihii u dambeeyey ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM deegaano badan ka saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM