Al-shabaab oo shan qof ku afduubay gobolka Gedo

Image

November 7, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab shan qof ka afduubeen meel u dhow degmada Beled Xaawo.

Dadka la qafaashay oo dhamaantood Soomaali ah waxay isugu jiraan saddex dhaqtar iyo  labo dareewal. Dhaqaatiirta ayaa siminaar kusoo qaatay degmada Mandheera ee dalka Kenya waxayna markii la afduubayey kusoo jeedeen degmada Garbahaareey.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab ka dambeyso afduubka islamarkaana la haystayaasha u kaxeysteen dhanka deegaanka Gadoon Dhawe oo ku yaalla inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Ceel-waaq

Qaybo ka tirsan gobolka Gedo waxaa weli gacanta ku haysa kooxda Al-shabaab oo bilihii u dambeeyey ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM deegaano badan ka saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM