Al-shabaab oo galabta faaruqisay jaziiradda Kudhaa

Image

November 10, 2014 (GO)- Wararka laga helayo jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xoogagii Al-shabaab ee labo maalmood kahor halkaas qabsaday gelinkii dambe ee maanta dib gua baxeen.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la baahin ayaa GO u sheegay in Shabaabku galabta casar liiqi isaga baxeen jasiirada iyagoo horay u kaxaystay tiro dad ah oo ay xaafadaha qaar ka dhex qafaaseen.

Wararka qaar ee ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa shegaya in Shabaab ay soo wajahday cabsi ku aadan in dagaal weerar celis ah ay kala kulmaan ciidamada maamulka Jubbaland oo fadhiya duleedka Jasiirada.

Kudhaa waa jasiirad leh hal wado oo laga galo, mana lahan wado kale oo laga baxo marka laga reebo in dhanka badda lagu safro. Al-shabaab ayaa ka cabsi qabay in dagaal xoogani halkaas ku qabsado maadaama hadii ciidamada Jubaland dhanka dhulka kasoo weeraraan ciidamada Kenyana ka duqeyn karayeen dhanka cirka iyo badda labadaba.

Shir jara'id oo shalay uu qabtay af-hayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar wuxuu ku sheegay inay ciidamada Jubaland sida uga dhaqsaha badan dib ugula wareegi doonaan Kudhaa.

Wixii kasoo kordha xaalada jaziiradda Kudhaa kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM