AL-Shabaab oo la wareegtay Jaziiradda Kudhaa

Image

November 8, 2014 (GO)- Dagaal yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saakay xili hore weerar ku soo qaaday jasiiradda Kudhaa oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaal socday seddex saacadood ayaa ka dhacay gudaha jasiirada waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigtay Al-Shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo ku sugan Kudhaa ayaa GO u xaqiijiyey in ciidamada maamulka Jubba halkaas isaga baxeen isagoo intaas raaciyey in dagaalku geystey khasaare badan oo labada dhinac soo kala gaarey.

Isgaarsiinta ayaa ka maqan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, waxaana adag in xiligan xog sugan laga helo khasaaraha uu dagaalkaasi geystey.

Al-Shabaab ayaa awoodoodo cidan iskugu geeyay Jubbooyinka kaddib markii laga saaray gobolo badan oo kamid ah koonfurta Soomaliya sidaa awgeed Kudhaa waa magaladii labaad oo ay dib u qabsadaan.

Deeganada lagu dagaalamayo waxaa maalmihii u dambeeyey ka da'ayey roobabka Deyrta taasoo keentay in  isu socodka gaadiidku hakad galo.

Kudhaa waa jasiirad leh deked macmal ah oo Al-shabaab ka dhoofin jireen dhuxusha, waxaana todobaadyo kahor  gacanta ku dhigay ciidamada maamulka Jubbaland ayadoo ciidamada Kenya duqeymo ka geesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM