AMISOM oo duqeymo ka gaystay Jubbada Hoose

Image

October 11, 2014 (GO)- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa saakay duqeyay deegano u dhow gobolka Jubbada dhexe gaar ahaan degmada Jilib.

Diyaradaha qumaatiga u kaca ee dowlada Kenya ayaa bartilmaamed saday saldhigyo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab sida dad ku sugan deeganka ay GO u sheegeen.

Lama xaqiijin ilaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay duqeymaha inta uu la egyahay hase ahaatee waxaa lag sugayaa saraakisha ciidamada AMISOM qeybta sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka in ay xaqiijiyaan qasaaraha ka dhashay.

Tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka  ayaa waxaa socday bartilmaameed xaga cirka ah oo ay qaadayaan diyaaradaha Kenya.

Masuuliyiinta mamulka Jubbaland ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii Jubbooyinka iyo Gado looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabab oo wali gobaladaasi ku harsan.

Hawlgalada ka socda Jubbooyinka ayaa galay asbuucyo ayadoo deegano dhowr ah lagala wareegay xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM