AMISOM oo lagu booriyay in la wareegto amniga Rooble

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniinta NISA, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ka tirsan madaxda xisbi siyaasadeed mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo ee Wadajir ayaa wuxuu sheegay in qoraalka NISA uu ahaa hanjabaad toos ah oo Hay’adu u dirtay Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guutaale oo AMISOM ku booriyay in aan la fududaysan Fariinta NISA ayaa sheegay in Hay’adu ay hada gacan siinayso cid kaste oo ku lug leheyd dilkii iyo qarintii Ikraan Tahliil iyo qaarijintii xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay magaaladda Beledweyne.

"Arrintaan yaan la fududeysan waa hanjabaad toos ah oo ka timid hay'adda NISA oo lagu sheegay inay gacan siinayeen qof walba oo ku lug lahaa dilka Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamina” ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan oo ka mid ah xubnaha sida wayn ugu soo horjeestay nidaamka maamul Farmaajo.

“Beesha Caalamka waa in ay xoojiyaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Villa Somalia si ay ula wareegaan ammaanka Raysal Wasaaraha Mudane Rooble" ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shaki wayn ayaa ka dhashay qoraal ay hay’addu ku baahisay barteeda Twetterka kaas oo xiriira in beegsanayo xafiiska Wasiirka 1aad ee xukumaadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Kan Farmaajo xilli Rooble horay u sheegay in uu haayo digniino amni.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM