AMISOM oo lagu booriyay in la wareegto amniga Rooble

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniinta NISA, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ka tirsan madaxda xisbi siyaasadeed mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo ee Wadajir ayaa wuxuu sheegay in qoraalka NISA uu ahaa hanjabaad toos ah oo Hay’adu u dirtay Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guutaale oo AMISOM ku booriyay in aan la fududaysan Fariinta NISA ayaa sheegay in Hay’adu ay hada gacan siinayso cid kaste oo ku lug leheyd dilkii iyo qarintii Ikraan Tahliil iyo qaarijintii xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay magaaladda Beledweyne.

"Arrintaan yaan la fududeysan waa hanjabaad toos ah oo ka timid hay'adda NISA oo lagu sheegay inay gacan siinayeen qof walba oo ku lug lahaa dilka Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamina” ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan oo ka mid ah xubnaha sida wayn ugu soo horjeestay nidaamka maamul Farmaajo.

“Beesha Caalamka waa in ay xoojiyaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Villa Somalia si ay ula wareegaan ammaanka Raysal Wasaaraha Mudane Rooble" ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shaki wayn ayaa ka dhashay qoraal ay hay’addu ku baahisay barteeda Twetterka kaas oo xiriira in beegsanayo xafiiska Wasiirka 1aad ee xukumaadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Kan Farmaajo xilli Rooble horay u sheegay in uu haayo digniino amni.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM