Ammaanka iyo bilicda magaalada Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Image
Shirkan waxaa guddoomiyey Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen gudoomiyeyaasha xaafadaha kale duwan ee magaalada iyo saraakiisha amniga ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin dardar gelinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Degmada.

Sidoo kale, kulankan waxaa qeyb ka ahaa billicsoocelinta magaalada oo wajigiisii labaad lagu balansantahay inuu bilowdo Sabtida soo socota. 

Shirka uu qayb ka ahaa Xogahaya Degmada Gaalkacyo Mr Ukun Cabdicasiis Maxamed ayaa saraakiisha saldhigyada looga dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda amniga Degmada kiisaskii saacadihii ugu dambeyey laga diwaangaliyey guud ahaan magaalada iyo hawlaha hortabinta leh ee socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM