António Guterres: Madaxa UN-ka oo kusoo wajahan Soomaaliya

Image
Safarkan ayaa qeyb ka ah socdaal uu xoghayaha bisha Ramadan ku tago dalalka Muslimiinta ah.

WASHINGTON, USA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah safar sanadlaha ah ee uu bisha Ramadaan ku tago dal ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Wareysi uu dhawaan siiyay laanta afka Carabiga ee Qaramada Midoobay, Guterres ayaa ku baaqay midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

Inta lagu guda jiro wareysiga, Guterres wuxuu yiri, "Waxaan u maleynayaa in xilligan ay tahay waqtigii aan u midoobi lahayn nabadda. Nabaddu waa waxa ugu qaalisan ee aan ku haysan karno adduunka."

Guterres waxa uu dib u milicsaday waaya-aragnimadii uu kasoo dhex-lay booqashooyinkii hore, isaga oo sharraxay sida ay khibradaas uu soo helay ay usoo bandhigtey “wajiga dhabta ah ee Islaamka”.

Wuxuu muujiyay sida uu ula dhacsan yahay nabada, wadajirka, iyo deeqsinimada uu ku arkay bulshooyinka martigeliyay qaxootiga, iyo sidoo kale adkaysiga iyo geesinimada qaxootiga laftooda.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku nuuxnuuxsaday in khibradahani uu u adeegsan doono sidii ay u xoojin lahaayeen shaqadiisa jagada hogaamiyaha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Soomaaliya, oo qarka u saaran macaluul baahsan, ayaa wajaheysa caqabado ba'an oo sababay in ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda - 8.25 milyan oo qof - ay u baahan yihiin gargaar nafo-badbaadin ah ama ilaalin.

Sidoo kale, waxaa dalka ka dhacay weerarro xooggan oo ay geysanayaan maleyshiyaadka Al-Shabaab. Soomaaliya waxa ay la tacaaleysaa xaaladaha cimilo xumo ee sii kordhaysa ee ka dhashay isbedalka cimiladu, sida abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado khasaare geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM