Aqalka Sare iyo IOM oo ka shiray kordhinta taageerada Soomalaiya

Image
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia).

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay'addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda ayay is-dul-taageen.

"Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska gudoomiye Xaashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM