Aqalka Sare iyo IOM oo ka shiray kordhinta taageerada Soomalaiya

Image
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia).

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay'addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda ayay is-dul-taageen.

"Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska gudoomiye Xaashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM