Aqalka Sare oo ansixiyey sharciga hay'adda sirdoonka Soomaaliya

Image
31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad.

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Akhrinta 3-aad iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

Ugu horrayn, Sanatarrada Golaha ayaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa ka dhagaystay akhrinta koowaad ee sharciga Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dhegeysigan kadib, mudaneyaasha ayaa gudda galay akhrinta 3-aad ee sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana dood iyo soo jeedin sharciga Sanatarrada qaar ay ka qabeen la gudagalay ansixinta.

Sidda uu ku dhawaaqay guddoonka golaha, 31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.

Ugu danbayn, mR Xagaa ayaa Sanatarrada Aqalka Sare waxa uu uga mahad celiyay meelmarinta sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo meesha ka saari doona tabashooyin iyo caqabado badan oo ku xeernaa shaqada Hay’adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM