Aqalka Sare oo ansixiyey sharciga hay'adda sirdoonka Soomaaliya

Image
31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad.

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Akhrinta 3-aad iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

Ugu horrayn, Sanatarrada Golaha ayaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa ka dhagaystay akhrinta koowaad ee sharciga Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dhegeysigan kadib, mudaneyaasha ayaa gudda galay akhrinta 3-aad ee sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana dood iyo soo jeedin sharciga Sanatarrada qaar ay ka qabeen la gudagalay ansixinta.

Sidda uu ku dhawaaqay guddoonka golaha, 31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.

Ugu danbayn, mR Xagaa ayaa Sanatarrada Aqalka Sare waxa uu uga mahad celiyay meelmarinta sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo meesha ka saari doona tabashooyin iyo caqabado badan oo ku xeernaa shaqada Hay’adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM