Aragtiyada ku xeeran heshiiska badalay habka siyaasada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Soomaaliya ayaa isku raacay in dib-u-habeyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadda dalka, kaddib shirar afar maalmood uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi oo war-murtiyeedka akhriyay ayaa bogaadiyay heshiiskan oo uu ku tilmaamay "mid horumar leh".
"Kani waa heshiis taariikhi ah oo soo afjaraya nidaamkii la isticmaalayey tan iyo 2000," ayuu u sheegay VOA Somali. “Waxay siinaysaa Soomaalida fursad ay ra’yigooda ku dhiibtaan oo ay codkooda ku aaminaan cidda matalaysa ee heer degmo, heer gobol iyo heer federaal ah".
War-murtiyeedka laguma soo hadal qaadin waxa dhacaya marka madaxweynaha hadda xilka haya uu ka dhamaado muddo xileedkiisa oo qorshuhu yahay in uu ka idlaado May 15, 2026.
Balse Fiqi ayaa xusay in doorashada sanadka soo socda loo qaadan doono "mid xilli dhexe ah," oo dadka la doortay ay xilka sii heyn doonaan muddo labo sano ah, ilaa 2026-ka, markaasoo la mideyn doono jadwalka doorashada heer deegaan, heer gobol iyo heer federaal.
Heshiiskan cusub ayaa waxaa si deg deg ah u dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ku dooday in muddo kordhin loo sameyn doono madaxda maamul goboleedyada oo waqtigoodu hadda ku eg yahay bilo gudahood.
“War-murtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu meel ka dhac ku yahay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo sareynta Shuruucda Qarankeena," ayuu yiri Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mursal ayaa intaas ku daray: "Wax kasta oo la yiraahdo, tani waa muddo kororsi aan dastuuri ahayn oo loo sameeyay dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo dowladda federaalka".
Heshiiskan waxaan saxiixin madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaasoo illaa haatan aan sharaxin sababaha uu uga maqnaadey wadahalada.
Puntland ayaa todobaadkan waxaa ka dhacday doorashada golayaasha deegaanka taasoo ay shacabku u codeeyeen inay soo doortaan wakiiladooda hase ahaatee ay hareeyeen khilaafaad siyaasadeed oo aan wali la xalin.
GAROWE ONLINE