AS oo ka faa’ideysanaysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

QAAHIRA - Saraakiisha sar sare ee Mareykanka ayaa ka digay colaada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan marin biyoodka Badda Cas oo Muqdisho ku mashquulsaneyd sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay, kadib heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee Addis Ababa ka dhacay.

Itoobiya ayaa heshiis la gashay Somaliland haddii uu hirgalo waxay heli doontaa 20 KM oo badda cas ah oo ay ka dhisato saldhig iyo deked, iyadoo Abiy Axmed u aqoonsan doono maamulka Muuse Biixi dal madax-bannaan.

Talaabadan ayaa sida muuqata ka caraysiisay Soomaaliya oo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudbayso madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanideeda qaranimo. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay heshiis milateri la gashay Masar bishii August 2024, taasoo sii xumaynaysa xiisadda Geeska Afrika.

Waxayna saraakiisha Maraykanka iyo xulafadooda reer galbeedka ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay aad ugu mashquushay khilaafka Itoobiya oo ay u ogolaatay Al-Shabaab inay dib u soo ceshato dhulkii laga saaray.

Laba sano gudahood, horumar la taaban karo ayaa laga diiwaan geliyey gobollada dhexe iyo koonfurta, halkaas oo ay Al-Shabaab ku lumisay saldhigyo kadib hawlgallo ciidan.

Guulaha noocan oo kale ah ayaa hadda halis ugu jira inay soo wajahdo caqabad, ka dib xiisadaha ka soo ifbaxaya gobolka, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Masar—oo ka careysan biyo xireenka Nile ee Itoobiya —ayaa ku biirtay xulufada Soomaaliya oo Eritrea qeyb ka tahay waxayna bishii hore soo gaarsiisay markab hub ah oo isugu jira madaafiic iyo kuwa lidka taangiyada ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM