Askar ka tirsan maamulka Jubaland oo shil gaari ku geeryoodey

Image

Kismayo, Nov 22,2014 [GO]- Mid kamid ah gaadiidka dagaalka maamulka Jubbaland oo ka soo ambabaxay tuulada Buulagaduud ayaa galabta ku rogmaday halka loo yaqaan dalcada Lug-loow oo Kismaayo u jirto 18km dhanka waqooyi.

Wararka ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa sheegaya in 5 kamid ah askarta maamulka Jubbaland ay ku geeriyoodee shilkaas Gaari.

Sidoo kale 9 kamid ah askarta maamulka ayaa ku dhaawacmay shilka gaari halka lix kamid ah xalaadooda aad u culustahay.

Qorshe loogu qaadayo Galkacyo ragga dhaawaca halista ah ayaa ka socda Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo.

Dalcada Lug-Loow ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilalka gawaarida iyadoo dhinaca kale aqoonta darewalada wada gadiidka dagalka intooda badan aad u hooseyso kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac u gaysta ciidamada kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM