Askar ku dhimatay diyaarad helicopter ah oo shil ku gashay Balidoogle

Image
Sideed qof kale oo ku dhaawacmay falkan ayaa loosoo qaadey Muqdisho si loo daaweeyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa ku burburtay degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sidda uu taliska ku sheegay war qoraal ah.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedkan uu arkay warsidaha Garowe Online, diyaaraddan ayaa tababareysay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in shilkan uu sababay dhimashadda saddex qof, siddeed kalana ay ku dhaawacmeen.

Taliska Midowga Afrika ayaa "wax laga xumaado" ku tilmaannay in saddex ka mid ah kow iyo tobankii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda ay naftooda ku waayeen.

Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo. Lama kala caddeyn haddii qaarkood ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah.

Madaxa ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo lagu soo xigtey bayaanka, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii dhintay.

Souef ayaa waxa uu u rajeeyay saraakiishii dhaawacantay bogsasho degdeg ah.

 ATMIS ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan. Warar horudhac ah ayaa shilkan la xiriirinaya "cilad dhanka farsamada ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM