ATMIS oo si buuxda ula wareegtay shaqadii taliska AMISOM
MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si buuxda ula wareegay Howgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo la raacayo go'aankii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) oo kal-fadhigiisa 1068-aad ee dhacay 08-dii Maarso 2022, kaas oo u igmaday ATMIS in ay ka taageerto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya hirgelinta Qorshaha kala-guurka ah ee Soomaaliya iyo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa ku dhawaaqay go’aanka ATMIS kula wareegayso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sida bayaan uu soo saaray oo nuqul ka mid ah uu helay warsidaha Garowe Online.
“AMISOM waxay xaqiijisay guulo la taaban karo 15-kii sanadood ee la soo dhaafay iyadoo taageeraysa dhisidda Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo tayo leh, booliis xirfad leh oo Soomaaliyeed iyo hay’ado federaal ah. Howlgalkan cusub ee dhowaan la isla qaatay, waxa uu ka tarjumayaa xaaladda isbedalaysa ee dalka, iyo sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadidda taageerada uu u fidinayo dalka Soomaaliya, si uu u soo celiyo nabad waarta, amni iyo xasillooni,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat.
Laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii, ujeeddada AMISOM waxay ahayd inay gacan ka geysato soo celinta amniga iyo xasilloonida, horumarinta wadahadalka, dib-u-heshiisiinta, iyo ka wada qaybgalka, iyo sidoo kale xoojinta horumarka lagu gaarayo Soomaaliya ammaan ah, midaysan, nabad ah, dimuqraadi ah, islamarkaana horumarsan.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Danjire Bankole Adeoye, ayaa tilmaamay in, “iyada oo wax baranayo khibradaha iyo casharrada AMISOM, ATMIS waxaa loogu talo-galay inay noqoto mid ka dhaqdhaqaaq badan, ka fudud, kana dabacsanaan badan loona habeeyey inay yeelato awood fal-celineed oo degdeg ah iyo awoodo la gudboon amni darada soo ifbaxaysa.”
Wuxuu intaas ku daray, “in iyadoo loo sii marayo ATMIS, uu Midowga Afrika sidoo kale dib u habeyn doono qaybihiisa howlgal ee ka socda Soomaaliya oo dhan si ay si wanaagsan ugu diyaariyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka 31-ka Diseembar 2024-ka, sida uu tilmaamayo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Tan waxaa lagu samayn doonaa iyadoo mudnaanta la siinayo dhisidda ciidan, abaabulka iyo isku dhafka iyo sidoo kale kor u qaadida kartida hawl-fulinta, iyo taageerada saad ee ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya".
ATMIS - oo shaqo billowday 1-dii Abriil 2022 - waxa uu noqon doonaa howlgal dhammaystiran oo dhinacyo badan leh oo awood u leh inuu taageero horumarinta Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hay'adaha dowladda. Iyadoo kala-guurka uu yahay geeddi-socod adag, Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxaa ka go'an guusha ATMIS si ay u caawiyaan Soomaaliya si ay u gaarto nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin iyo in la xaqiijiyo horumarro la taaban karo oo ku wajahan dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.
Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay marti galinaysay ciidamo ka socda midowga Afrika oo Muqdisho u yimid in dowlada Soomaaliya ka taageeraan soo celinta xasi loonida iyo la dagaalanka Al Shabaab.
GAROWE ONLINE