AU oo soo saartey qoraal "lagu sagootinayo" Francisco Madeira

Image
Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat

ADDIS ABABA, Ethiopia - Gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa waxa uu mar kale wuxuu sheegay in uu kalsooni ku qabo ergayga AU-ga ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Mahamat oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa waxa uu intaa ku daray in uu ka xun yahay warqadii uu soo saaray ra'iisul wasaare Rooble taas oo Madeira loogu aqoonsaday "qof aan laga rabin dalka".

"Guddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaro soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaan wali ka jawaabin mowqifka AU-da ka qaadatay ceyrinta Madeira kaasoo kal hore uu ugu eedeeyay in uu ku milmay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Qoraalka AU-da "waxaa lagu sagootinayaa Madeira"

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii amniga Galmudug iyo Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa qoraalka AU-da ku qeexay "mid lagu sagootinaya Madeira".

Fiqi oo fariin kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa wuxuu u muuqdaa mid jawaab u ah olole ay kooxda Farmaajo ka bilaabeen baraha bulshadda oo ku diganaya Rooble.

"Hadallo naxariis leh oo lagu sagootinayo Amb. Madeira ayaa meesha ka muuqda, sida dhaqanka diplomaasiyadda lagu yaqaano danjire lumiyey kalsoonidii dalkii uu ka shaqaynayay oo weliba ku hor ceeboobay Lana siiyey PNG sii joogis uma taallo meesha!," ayuu yiri Fiqi.

Isaga oo u muuqda mid adkayanaya og'aanka xukuumadda Soomaaliya, Fiqi ayaa wuxuu intaas kusii daray: "Madeira qof aan dalkaan laga jecleyn ayuu sii ahaan doonaa si kastoo Farmaajo u jeclaado!".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM

Dagaal U Dhexeya Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Baardheere, Gedo

Dowladda ayaa doonaysa inay degmooyinka Gedo kala wareegto maamulka Jubaland xili uu jiro khilaaf xoogan.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 07:44AM