Axmed Madoobe: Al-shabab waan soo afjaraynaa

Image

October 5, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabab looga sifeynayo dhammaan gobolada uu ka arimiyo Maamulka Jubaland.

Shir-saxaafadeed oo xarunta madaxtooyada uu ku qabtay ayuu warkan ku sheegay, wuxuuna intaas ku daray in la joogo xilligii Al-shabab si buuxda looga dabargoyn lahaa dalka.

"Al-shabab waa halista koowaad ee jiritaanka qaran Soomaaliyeed, waxay caqabad ku yihiin horumarka iyo nabadgelyada jubooyinka iyo guud ahaan dalka...waxaa la joogaa xilligii Al-shabab si buuxda gebi ahaanba dalka logoa sifeyn lahaa" ayuu yiri.

Axmed Madoobe wuxuu intaas raaciyey in cafis loo fidin doona xubnaha Al-shabab haddii ay mudo 48 saac gudahood ah isku soo dhibaan, haseyeeshee cidii fursadaas ka faa'iidsan weyda ee dib lag qabto aan loo naxariisan doonin.

"kuwa ka tirsan Al-shabab waxan fursad u siinaynaa mudo 48 saac ah inay isku soo dhibaan, hadii ay cafiska loo fidiyey ka faa'iideysan waayaan hadhow marka la qabto looma naxariisan doono" Madaxweynaha Jubaland ayaa yiri isagoo carabka ku adkeeyey inay ka go'an tahay sugidda ammaanka iyo horumarinta gobollada uu maamulka Jubaland ka kooban yahay.

Al-shabab oo sida muuqata awoodeedu sii wiiqmayso marba marka ka dambeysa, waxaa inta badan gobollada dalka ka socda hawlgallo ka dhan ah oo ay wadaan Dowladda Federaalka, AMISOM iyo ciidamada ammaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM