Axmed Madoobe oo daadka qaad-siiyey wararka ku saabsan inuu ku laabanayo Muqdisho

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa Golahiisa Wasiirada wuxuu u sheegay in uu aadayo doorasho lamid ah tii 2019-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta la hadlayay xubnaha golihiisa Wasiirada ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland aysan ku lug yeelan doonin muddo kororsi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada heer dowlad goboleed ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo si madax banaan, si la mid ah sanadka 2019-ka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay isaga baxday shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, maadaama muddo kororsi la sameeyay, taasoo keeni doonta in waqti kororsi aan faa’iido u laheyn Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in xiligaan aysan suuragal aheyn in doorasho toos ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, maadaama shuruudihii looga baahnaa aysan jirin.

Shuruudahan hordhaca ah waxaa ka mid ah:

Xoraynta dalka iyadoo laga saarayo kooxaha argagixisada Al-Shabaab

Dib u heshiisiin laga dhex sameeyo shacabka Soomaaliyeed, oo weli kala qeybsan.

Heshiiskii hanaanka doorashada iyo madasha oo aan wali dhamaystirmin.

Muddo kordhinta halka sano ah kuma filna qabanqaabada doorasho dadweyne.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland wuxuu meesha ka saarayaa rajada ay Villa Soomaaliya ka qabto inuu Muqdisho kusoo laabto wuxuuna dhabaha u xaaraya dagaal siyaasadeed horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM