Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland aysan aqoonsanaan dowladda Federaalka, maadaama aysan ka shaqeynaynin danaha dalka iyo dadka, islamarkaana ay siyaasadeyso mashaariicda horumarineed iyo gargaarka bini'aadanimo.

Isagoo ka hadlayay Kismaayo, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey hay'adaha Caalamiga ah inaysan usoo marin dowladda Soomaaliya wixii ay ugu tala-galeen maamulka Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan u safray Nairobi si uu arrimahan ugala hadlo diblomaasiyiinta dalalka taageera Soomaaliya iyo hay'adaha.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay u maamusho hay'adaha dowliga ah "sida shirkad gaar loo leeyahay" isla markaana ay wiiqayso madaxbannaanida Maamullada xubnaha ka ah nidaamka Federaalka, taasoo jebinaysa dastuurka KMG ah oo kala qeexaya awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa maamulada.

Jubaland ayaa dowladda hadda jirta kala kulmaysa go'doomin iyo cunaqabateyn loogu tala-galay in lagu burburiyo, iyadoo Ciidanka qaranka loo adeegsaday inay ku duulaan deegaanno nabad ah, xor ah mudo dheer, si xukunka looga tuuro Axmed Madoobe oo dhamaadkii 2024 markii 3aad loo doortay xilka Madaxweynaha.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998, iyadoo ka joojiyay wixii mashariic ahaa, iyo deeqihii dhaqaale ee loogu tala-galay Maamullada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay inay qabanayso doorasho qof iyo cod ah xili dalka uusan amni ahayn, 100% gacanta ku hayn dowladda, islamarkaana uu jira khilaaf iyo kala qeybsanaan sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM