Axmed Madoobe oo shaaciyay dadka hurinaya Colaada Sool

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ka hadlaya Colaada ka oloolsan deegaanada gobolka Sool, ayaa ku dhaliilay siyaasiyiinta labadda dhinac oo uu sheegay inay hurinayaan dagaalka.

Axmed Madoobe ayaa ku booriyay siyaasiyiinta Puntland iyo Somaliland inay horumuud u noqdaan sidii dagaalka loo joojin lahaa, islamarkaana ay iska daayaan hadallada xanafta leh ee sii kicinaya Xiisadda taagan ee hawada la isku marinayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaal uusan noqon karin xalka dhabta ah, wuxuuna ku tilmaamay wax laga xumaado in dagaalka uu noqdo mid kusoo laab-laabta deegaanada gobolka Sool.

"Waxaan aad uga xumahay in siyaasiyiinta ay ku oor-kacsanayaan Colaadda, taasina waa wax laga xumaado, ma ahan in Shacabka korkooda lagu dagaalamo, oo iyaga la laayo," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Axmed Madoobe ku baaqay in loo turo shacabka, maadaama dagaalka uu saameyn ku yeeshay noloshooda islamarkaana uu khasaarooyin kasoo gaarayo.

"Waxa dhimanaya waa Shacabka, waxa dhulka iska leh waa Shacabka, marka waxaa wanaagsan in siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ay raadiyaan xalka lagu soo arjari karo dagaalka," ayuu ku daray.

Lama oga sida ay u qaadan doonan dhinacyadda is haya baaqa Axmed Madoobe ee colaado Sool, maadaama tiro dhowr jeer ay ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ku baaqeen xabad joojin.

"Inaga ma arag in dagaalka uu noqon karo xalka ugu dambeeya, waxaana codsan lahayn in dagaalka la joojiya, oo nabadda sida ugu fudud loo qaato," ayuu hadalkiisa kusii xiray Axmed Madoobe. 

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay madaxda Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadashay colaada Sool, ay ku hanjabeen inay qaadi doonan Guluf ka dhan Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM