Axmed Madoobe oo sheegay in Xasan Sheekh uu Xamse u adeegsanayo burburinta Jubaland

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Xamse uu noqday hubka Xasan Sheekh u adeegsanayo burburinta iyo khal-khal gelinta Jubaland, oo ah halkii uu kursiga Xildhibaanka kasoo helay.

"Waxaa nasiib-darro ah in wiilka shalay aan Xildhibaanka siinay, ee Ra'iisul Wasaaraha noqday, maanta inuu noqdo cida loo adeegsanayo Jubaland burburinteeda," ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlay hoolka baarlamaanka oo maanta lagu doortay.

Wuxuu sheegay in kuwa ka awood badan Xamse oo dowlado ku jiraan ay ku guul-dareysteen dagaalka iyo burburinta Jubaland, waxaana uu tusaale usoo qaatey isku-daygii 2019 Ciidamo Itoobiyaan ah Kismaayo loogu diray inay Axmed Madoobe soo xiraan, balse hawada laga celiyay diyaaradooda.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Xasan Sheekh uu Maanta dib u xasuusinayo reer Jubaland wixii dhacay 2019, oo laga soo bogsaday, isagoo intaasi ku daray in dowladnimada Soomaaliya noqotay mid iyada ka shaqeynaysa burubrinta nidaamka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM