Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay baaqa Xasan Sheekh

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay hadalka Xasan Sheekh ee ah inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha iyo kuwa bulshadda si aragtidooda qeyb uga noqoto dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Kismaayo salaaddii Ciidul Fitriga kadib ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo hubeynta Malleeshiyo beeleedyada, isagoo ku baaqey taasi bedelkeeda in la dhiso Ciidan qaran oo awood leh.

Sheekh Shariif, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la burburiyay Ciidamadii qaranka, isagoo cadeeyay inaysan jirin maanta hal guuto oo u diyaar ah dagaalka. In la hubeysan malleeshiyo beeleed, waa arin halis ka imaan karta, oo ay kamid tahay dagaal beeleedka.

Waxaa la arkayay mudooyinkii dambe Xasan Sheekh iyo Mas'uuliyiin kale oo Shabeellaha Dhexe kula hadlaya Malleeshiyo beeleedyo dowladda Federaalka hubeysan, oo ku tashanayasa inay dalka Al-Shabaab ka xoreeyaan. Tani ayaa dhalisay su'aasha ah, dalka miyuusan Ciidan lahayn?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxaa xerada Xalane ee Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka, kuwaasoo ugu baaqey inuu la heshiiyo Jubaland iyo Puntland si loogu midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Beesha Caalamka ayaa u sheegay Xasan Sheekh in iyadoo dalka khilaaf siyaasadeed ka jiro iyo kala-qeybsanaan aan lagu guuleysan karin dagaalka, islamarkaana la qaban karin doorasho hufan, wadar-ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda sanadka 2026.

Jubaland iyo Puntland ayaa wadashaqeyntii kala dhaxaysay dowladda Federaalka joojiyay kadib markii Xasan Sheekh uu wax ka bedelay qodobo kamid ah dastuurka, kuwaasoo isaga u fududeynaya in xisbigiisa kusoo baxo doorashadda.

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu isku soo koobey xukunka dalka, iyadoo taasi dhaxal-siisay inuu ku guuleysan waayay dagaalka Al-Shabaab iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM