Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay baaqa Xasan Sheekh

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay hadalka Xasan Sheekh ee ah inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha iyo kuwa bulshadda si aragtidooda qeyb uga noqoto dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Kismaayo salaaddii Ciidul Fitriga kadib ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo hubeynta Malleeshiyo beeleedyada, isagoo ku baaqey taasi bedelkeeda in la dhiso Ciidan qaran oo awood leh.

Sheekh Shariif, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la burburiyay Ciidamadii qaranka, isagoo cadeeyay inaysan jirin maanta hal guuto oo u diyaar ah dagaalka. In la hubeysan malleeshiyo beeleed, waa arin halis ka imaan karta, oo ay kamid tahay dagaal beeleedka.

Waxaa la arkayay mudooyinkii dambe Xasan Sheekh iyo Mas'uuliyiin kale oo Shabeellaha Dhexe kula hadlaya Malleeshiyo beeleedyo dowladda Federaalka hubeysan, oo ku tashanayasa inay dalka Al-Shabaab ka xoreeyaan. Tani ayaa dhalisay su'aasha ah, dalka miyuusan Ciidan lahayn?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxaa xerada Xalane ee Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka, kuwaasoo ugu baaqey inuu la heshiiyo Jubaland iyo Puntland si loogu midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Beesha Caalamka ayaa u sheegay Xasan Sheekh in iyadoo dalka khilaaf siyaasadeed ka jiro iyo kala-qeybsanaan aan lagu guuleysan karin dagaalka, islamarkaana la qaban karin doorasho hufan, wadar-ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda sanadka 2026.

Jubaland iyo Puntland ayaa wadashaqeyntii kala dhaxaysay dowladda Federaalka joojiyay kadib markii Xasan Sheekh uu wax ka bedelay qodobo kamid ah dastuurka, kuwaasoo isaga u fududeynaya in xisbigiisa kusoo baxo doorashadda.

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu isku soo koobey xukunka dalka, iyadoo taasi dhaxal-siisay inuu ku guuleysan waayay dagaalka Al-Shabaab iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqanaya Laascaanood, SSC-Khaatumo

Booqashadan ayaa noqon doonta mid muhiim ah oo kor u qaadi karta heerka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee gobolka.

  • Soomaliya

    02-04-2025

  • 08:07AM

Diyaarad shil ku gashay Garoonka Muqdisho

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafayay, shilka noocan ah ayaa ka dhacayay garoonka Aadan Cadde, ee magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    01-04-2025

  • 02:09PM