Baarlamaanka DFS oo maanta loo qaybinayo mooshinka

Image

Novmeber 24, 2014 (GO)- Iyadoo weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka iyo weliba mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta la filayaa in fadhigii baarlamaanku mar kale dib u furmo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa labo mar oo hore ku guul dareystey inuu qaybiyo mooshinka si ka doodistiisa loo bilaabo,  kadib markii xildhibaanada kasoo horjeedaa diideen in baarlamaanka loosoo gudbiyo mooshinkaas oo sida ay ku doodayaan ah mid aan sharci ku salaysneyn.

Sida la filayo kulanka maanta ayaa noqon doono mid ka xamaasad badan kii hore, waxaana cabsi weyn laga qabaa in xildhibaanada qaarkood gacmaha isula tagaan maadaama marba marka ka dambeysa labada garab ee baarlamaanku sii kala fogaanayaan.

Dhanka kale labada garab ee xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku u qaybsameen ayaa shalay kulamo gaar ahaa magaalada Muqdisho ku yeeshay, waxaana xusid mudan in dhinac kasta cadeeyey inuusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisa.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay mooshinka xiligan laga keenay xukuumada, maadaama sida la saadaaliyey talaabadaasi horseedi doonto in khilaafka siyaasadeed ee jiraa sii xoogeysto islamarkaana dib u dhacaan qorsheyaal badan oo la fulin lahaa inta ka horeysa sanadka 2016. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka Baarlamaanka Federaalka ee maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM