Baarlamaanka DFS oo maanta loo qaybinayo mooshinka

Image

Novmeber 24, 2014 (GO)- Iyadoo weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka iyo weliba mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta la filayaa in fadhigii baarlamaanku mar kale dib u furmo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa labo mar oo hore ku guul dareystey inuu qaybiyo mooshinka si ka doodistiisa loo bilaabo,  kadib markii xildhibaanada kasoo horjeedaa diideen in baarlamaanka loosoo gudbiyo mooshinkaas oo sida ay ku doodayaan ah mid aan sharci ku salaysneyn.

Sida la filayo kulanka maanta ayaa noqon doono mid ka xamaasad badan kii hore, waxaana cabsi weyn laga qabaa in xildhibaanada qaarkood gacmaha isula tagaan maadaama marba marka ka dambeysa labada garab ee baarlamaanku sii kala fogaanayaan.

Dhanka kale labada garab ee xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku u qaybsameen ayaa shalay kulamo gaar ahaa magaalada Muqdisho ku yeeshay, waxaana xusid mudan in dhinac kasta cadeeyey inuusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisa.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay mooshinka xiligan laga keenay xukuumada, maadaama sida la saadaaliyey talaabadaasi horseedi doonto in khilaafka siyaasadeed ee jiraa sii xoogeysto islamarkaana dib u dhacaan qorsheyaal badan oo la fulin lahaa inta ka horeysa sanadka 2016. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka Baarlamaanka Federaalka ee maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM