Baarlamaanka Federaalka oo bilaabay ka doodista mooshinka

Image

December 4, 2014 (GO)- Xildhibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalak ayaa  maanta bilaabay ka doodista mooshinka qaar kamid ah xildhibaanadu ka keeneen xukuumadda oo la qaybiyey labo maalmood kahor.

Fadhiga baarlamaanka oo ilaa gelinka dambe socon doona si habsami leh ayuu maanta ku bilowday.

Ku dhowaad 80 xildhibaan ayaa is diiwaan geliyey si ay mooshinka uga doodaan, waxaana ilaa iyo hadda la dhegeystey 12 xildhibaan.

Xildhibaannadu fasax kooban ayey galeen si ay salaadda usoo tukadaan una qadeeyaan. Nasashada kadib ayaa la filayaa in dib laysugu soo noqdo dooduna halkaas kasii socoto.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta qorshuhu ahaa inuu fadhiga baarlamaanka hortago ayaa ka baaqday.

Sabtida soo socota ayaa codka kalsoonida loo qaadi doonaa xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

Sanad kahor ayey ahayd markii baarlamaanka Dowladda Federaalku kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda dal Soomaalida laga soo tarxiilayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sweden.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:53PM

Saddex Maamul oo qaadacay tartanka kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada

Xiriirka kubadda cagta Galmudug ayaa si gaar ah u dhaliilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiino.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:33PM