Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo muhiim ah

Image
Sharcigan waxaa soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka kulanka oo ku furmay 151-Xildhibaan waxaa ugu horeyn Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka-badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Xildhibaanadda Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday hindise sharciyeedyadan ayaa waxaa ogolaatay 151-Xildhibaan oo ah kooramka kulanka uu ku furmay mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta labadan hindise sharciyeed oo muhiim ahaa iyo talooyinka ay ku biiriyeen mudada ay socdeen doodaha iyo soojeedimaha.

Dhanka kale Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Afrika ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagtay warbixin ku saabsan shirka guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed loo gudbin doono Golaha Aqalka Sare maadaama xeritaanka kalfadhiga 5-aad uu ka harsan yahay mudo bil ah, isagoo mudanayaasha Golaha uga mahadceliyay sida ay waajibaadkooda dastuuriga u ah u guteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM