Baarlamaanka PL oo go'aan ka gaaraya xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 6, 2014 (GO)- Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u codeyn doona ansixinta xeerka gudiga doorashooyinka Puntland kadib markii wax laga bedeley qaar kamid ah qodobada xeerkaas oo markii ugu horeysey la meel mariyey January 2, 2011.

Xeerkan oo bishii hore ee November Golaha Wasiirradu ansixiyeen, waxaa xildhibaannada baarlamaanka Puntland loo qaybiyey maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay.

Qodobada wax laga bedeley ee xeerkan ku jira waxaa kamid ah qodobka sagaalaad oo qeexayey xil ka qaadista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo weliba sababaha keeni kara in xubin guddigaas ka tirsan xilka laga xayuubiyo.

Xeerkii guddiga doorashooyinka ee  xukuumaddii Madaxweyne Farole wuxuu qodobkiisa sagaalaad dhigayey in xubintii lagu helo anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo dadweyne xilkeeda waayi doonto.

Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo ajendayaashiisa ugu muhiimsanaayeen la xisaabtanka xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha, wuxuu soo xirmi doonaa sagaalka bishan socota ee December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM