Barlamaanka Puntland oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 9, 2014 (GO)- Barlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan xukuumadda Cabdiweli Gaas wax ka bedel kooban ku sameysey. 

Fadhiga barlamaanka ee maanta oo 50 xildhibaan soo xaadireen waxaa xeerka oo 24 qodob ka kooban ogolaaday in la ansixiyo 45 xildhibaan, halka saddex xildhibaan oo kale diideen labona ka aamustey.

Xildhibaan Sicii Cabdi Samatar (Surcad) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in barlamaanku qodobka 10-aa ka saarey xeerka maadaama ay u arkeen inuu yahay mid aan munaasib ahayn.

Qodobka la saaray ayaa qeexayey kaalinta Wasaaradda Dastuurku ku yeelanayso hawsha gudiga doorashooyinka, arintaasoo ay xildhibaanada badankoodu saluugeen dabadeedna loo codeeyey in qodobkaas xeerka laga saaro.

Qodobada xukuumadda Cabdiweli Gaas wax ka bedeshay ee xeerkan ku jira waxaa kamid ah qodobka sagaalaad oo qeexayey xil ka qaadista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo weliba sababaha keeni kara in xubin guddigaas ka tirsan xilka laga xayuubiyo. 

Xeerkii guddiga doorashooyinka ee  xukuumaddii Madaxweyne Farole wuxuu qodobkiisa sagaalaad dhigayey in xubintii lagu helo anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo dadweyne xilkeeda waayi doonto. 

Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo dhowaan soo xirmi doona, waxaa ajendayaashiisa ugu muhiimsanaa la xisaabtanka xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM