Baarlamaanka Soomaaliya oo la doodey xisaab xirka sanadka 2023

Image
Mudaneyaasha ayaa sidoo kale waxay akhrinta koowaad marsiiyeen xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka,waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u faahfaahiyay akhrinta koowaad ee xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiyada maaliyadda ee labada golle loo gudbinayo warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025,si ay waajibaadkooda uga soo gutaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye AS oo maalgeliyay weerarradii Westgate iyo Dusit oo lagu dilay Soomaaliya

Wuxuu ahaa madaxa maaliyadda ee al-Shabaab intii lagu guda jiray weerarradii Westgate Mall (2013) iyo DusitD2 (2019).

  • Soomaliya

    08-01-2025

  • 09:19AM

Masar iyo Soomaaliya shir yeelanaya xili DF bedeshay mowqifkeedii Itoobiya

Weli ma cadda inta ay le'eg tahay ciidamada Itoobiya ee loogu ogolaan doono dalka, ayuu yiri Cali Balcad.

  • Soomaliya

    08-01-2025

  • 08:24AM