Barawe: Al-shabab oo toogtay afar nin
Sept 30, 2014 (GO)- Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Baraawe ku diley afar nin oo dhalinyaro ah.
Nimanka oo goob fagaare ah lagu toogtey waxaa lagu soo eedeeyey inay basaas u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Da'doodu waxay ahayd inta u dhexeysa18 ilaa 27 sano, waxaana lagu kala magacaabi jirey Iidle Maxamed Xasan, Axmed Maxamed Aadan, Mahdi Xasan Ciise iyo Xasan Xaaji Awoowe.
Horaantii todobaadkan, waxaa isla degmada Baraawe lagu diley haweenay la sheegay inay gogol dhaaf samaysay. Gabadhaas waxaa lagu diley dhagax iyadoo ay boqollaal qof daawanayaan.
Baraawe oo xilligan ah xarunta ugu weyn Al-shabaab, waxaa shantii bilood ee ugu dambeeyey lagu toogtey in ka badan toban qof oo maxkamada Al-shabaab dil ku xukuntay.
GAROWE ONLINE