Barlamanka DF oo u yeeray xeer ilaalinta iyo hanti-dhowrka

Image

December 14, 2014 (GO)- Fadhiga Barlamanka Dowladda Federaalka ee maanta waxaa su'aalo lagu weydiin doonaa xeer Ilaaliyaha iyo hanti-dhowraha guud ee Dowlada Federaalka.

Labada mas'uul waxaa mooshin ka dhan ah maalmo kahor guddoonka Barlamanka usoo gudbiyey qaar kamid ah xildhibaannada.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir iyo Hanti-dhowre Nuur Jimcaale Faarax waxaa lagu soo eedeeyey ku-tagrifal awoodeed iyo inay dastuurka ku xadgudbeen.

Dhowaan qoraal ay ku saxiixnaayeen Axmed Cali iyo Faarax Nuur ayaa lagu amray xubnaha xukuumaddii kalsoonida lagala noqdey inaysan ogolaansho la'aan dalka ka bixi karin.

Dhanka kele xeer ilaaliyuhu wuxuu amar ku bixiyey in lasoo xiro agaasimihii wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Maxamed Cumar Nuur.

Tallaabadaas ayaa aad uga caraysiisey xubno badan oo Barlamanka ka tirsan, iyagoo ka dalbaday guddoonka Barlamanka in labadaas mas'uul loo yeero si shaqooyinkooda wax looga weydiiyo.

Amarrada kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha iyo hanti-dhowrka guud waxay yimaadeen maalin kadib markii kalsoonida lagala noqday xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM

Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 09:43AM