Baydhabo: DFS iyo maamulkii lixda gobol oo heshiis kala saxiixday

Image

November 6, 2014 (GO)-  Magaalada Baydhabo oo uu weli ka socdo shirka lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed ee saddexda gobol ka kooban, ayaa waxaa maanta heshiis kala saxiixday guddi ka socda Dowladda Federaalka oo xildhibaano u badan iyo siyaasiyiintii wax ka dhisay maamulka lixda gobol ee muranka dhaliyey.

Heshiiska oo afar qodob ka kooban waxaa labada dhinac u kala siixay gudoomiyaha gudiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanad, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Madoobe Nuunoow Maxamed oo isaga horay madaxweyne loogu doortay.

Qodobada lagu heshiiyey oo sida muuqata ah kuwo isku soo noq noqonaya islamarkaana khuseeya sidii labada dhinac wada hadal toos ah u furi lahaayeen waxay kala yihiin sidan:

1. In marka hore la furo wadahadal dhex mara maamul gobaleedka koonfur galbeed ee lixda gobol iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

2. In maamulkaasi diyaar u yahay inuu wadahadal dib u heshiisiineed la furo dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gudiga maamul u sameynta koonfur galbeed.

3. In maamulkaasi soo xulo guddigii u mateli lahaa wadahadallada siyaasadeed.

4. Labada dhinac ee heshiisku dhex maray waxay ka codsanayaan beesha caalamku inay taageerto habsami u socad dib u heshiista.

Dowlada Federaalku waxay horay u shaacisay inaysan aqoonsanayn maamulka Baydhabo lagu dhisay ee lixda gobol ka kooban, maadaama dhismihiisa loo maray qaab aan dastuurka waafaqsaneyn.

Shirka lagu dhameystirayo maamulka koonfur galbeed ayaa meel fiican maraya iyadoo xilligan ergooyinku ku mashquulsan yihiin ansixinta dastuurka uu maamulkaasi yeelan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM