Beesha Caalamka: Lama hor-istaagi karo dhameystirka doorashadda
MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin "qaladaadkii badnaa" ee dhacay inta lagu guda jiray geedi-socodka xulista baarlamaanka 11aad inkasta oo aysan fahfaahin.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay hoosta kaga xariiqeen in muhiim ay tahay in lasoo gabagabeeyo doorashadda iyadda oo uusan imaan dib-u-dhac kale oo jadwalka doorashooyinka ah.
Sida ku xusan bayaanka diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay xerada Xalane, 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka oo la doortay waxay ka dhigan tahay "dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh".
HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.
Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.
Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil.
Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland.
Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho – lana doorto guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran.
Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada.
Waxaa muhiim ah in qabanqaabada mar-xaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci.
Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda.
Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo.
Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada
Saaxiibada caalamku waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Waxaan u rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed ku-hagaagidda mabaadi’da Ramadaan ee ee dib-u-milicsiga, samafalka, midnimada iyo wadajirka ee xilligan xasaasiga u ah qaranka.
Dhawaqa saaxiibadda caalamka ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii hay'adda sirdoonka qaranka shaacisay in Al-Shabaab ay maleegeyso "dilka" madaxda qaranka. Mucaaradka wuxuu hadalkan ku qeexay "cabsi-gelin".
GAROWE ONLINE