Beesha Caalamka oo baaq u dirtay hogaanka Soomaalida

Image
Qoraalkaan ayaa kusoo hagaagay xilli xiisad ka taagantahay hirgalinta doorashada gudoonka golaha shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda haatan ka taagan dhammeystirka doorashooyinka dalka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Qoraalkan ayaa waxaa Beesha Caalamka ay ku sheegtay in madaxda Soomaaliyeed ee is haya looga baahan yahay inay si nabadoon kusoo gabagabeeyaan doorashooyinka.

“Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay is xakameeyaan, isla-markaana khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal & isu tanaasul.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyey doorashadii guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen ee shalay lagu qabtay Teendhada Afisyooni.

“Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Caalamka.

Qoraalkaan oo lagu soo aadiyay xilli xiisad ka taagantahay hirgalinta doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa lagu yiri “Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka”.

Qoraalkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Dowladdaha Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM