Beesha Caalamka oo baaq u dirtay hogaanka Soomaalida

Image
Qoraalkaan ayaa kusoo hagaagay xilli xiisad ka taagantahay hirgalinta doorashada gudoonka golaha shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda haatan ka taagan dhammeystirka doorashooyinka dalka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Qoraalkan ayaa waxaa Beesha Caalamka ay ku sheegtay in madaxda Soomaaliyeed ee is haya looga baahan yahay inay si nabadoon kusoo gabagabeeyaan doorashooyinka.

“Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay is xakameeyaan, isla-markaana khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal & isu tanaasul.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyey doorashadii guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen ee shalay lagu qabtay Teendhada Afisyooni.

“Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Caalamka.

Qoraalkaan oo lagu soo aadiyay xilli xiisad ka taagantahay hirgalinta doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa lagu yiri “Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka”.

Qoraalkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Dowladdaha Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM