Beesha Caalamka oo bogaadisay diyaarinta baarlamaanka cusub

Image
Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay Xalane ayaa ku baaqay dhameystirka hanaanka doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo soo dhaweysay dhaarinta iyo diyaarinta baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo dhameystiro geedi-socodka doorashooyinka.

Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa sidoo kale waxay si adag u cambaareeyeen weerarka ay saaka Al-Shabaab ku qaadey meel ku dhow goobta ay ka dhacday coddeynta.

"Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go'aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka hoobiyaasha ah ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.

Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha.

Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go'aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo.

Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.


Kuraasta haatan ka harsan golaha shacabka ayaa degaan doorashadoodu waxay kala tahay maamuladda HirShabelle iyo Jubaland waxaana qorshuhu yahay in lasoo dhameystiro todobaadyadda nagus oo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM