Beesha caalamka oo kordhisey cadaadiska madaxda DFS

Image

November 19, 2014 (GO)- Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa noqday qodobka ugu xasaasisan islamarkaana sida weyn loogaga dooday maanta shirka ku saabsan barnaamijka Higsiga Cusub ee Copenhagen ka furmay.

Wufuudda beesha caalamka uga qayb gelaya shirka gaar ahaan dalalka reer Yurub ee sida gaarka ah u daneeya Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey khilaafka mudada bilaha ah soo jiitamayey ee ka dhex taagan labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta shir saxaafadeed u qabtay  ayaa mar wax laga weydiiyey walaaca beesha caalamku ka muujisay khilaafka kala qaybiyey hay'adaha dowladda islamarkaana sababay in badi hawlihii dowladdu hakad galaan wuxuu sheegay in khilaafka jiraa wax sidaas usii weyn ahayn balse kala aragti duwanaan siyaasadeed jirto.

Docda kale Madaxweynaha Dowladda Federaalku wuxuu mar kale ku celiyey in Soomaalidu wixii dantoodu ku jirto iyagu si gaar ah uga tashanayaan balse aan loo baahneyn in beesha caalamku arinta si toos ah usoo faragelio haseyeeshee talo soo jeedinta caalamku muhiim tahay.

Martin Lidegaard oo ah Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark ayaa sheegay in beesha caalamku aad uga welwelsan tahay ismarin waaga siyaasadeed ee jira, isagoo intaas raaciyey in madaxda Soomaaliya lagu boorinayo inay meel dhexe isugu yimaadaan iyadoo la eegyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka labadaba.

Si taas lamid ah waxaa isna ku taliyey in caqabadaha jira laga gudbo xal dhaqso ahna la gaaro Wasiirka Arimaha Dibadda UK William Hague.

Shirka Copenhagen oo maalinta berri ah soo xirmi doona waxaa si guud diiradda loogu saarayaa geedi socodka barnaamijka Higsiga Cusub iyo guulaha laga gaarey, barnaamijkaas oo sanadkii hore caalamku dhaqaale badan Soomaaliya ugu ballan qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM