Biden oo laga dalbaday in uu ciidan u soo diro Soomaaliya

Image
Saraakiisha Pentagon-ka ayaa doonaya in Biden uu ka noqdo amarada uu bixiyay madaxweyne Trump

WASHINGTON, USA – Milateriga Mareykanka ayaa ka codsanaya Madaxweyne Biden in uu dhowr boqol oo kumaandoos ah u soo diro gudaha Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ka hortaga weerarada kooxda Al Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka oo la hadlay Wargayska caanka ah The Wall Street Journal.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa doonaya in Biden uu ka noqdo amarada uu bixiyay madaxweyne Trump maalmihiisii ​​ugu dambeeyay ee xafiiska, markaas oo uu amray in ku dhawaad ​​700 oo askari ee gaarka ah “Army Green Berets, Navy SEALs iyo Marine Raiders” in ay ka baxaan saldhigyada Soomaaliya, sida ay saraakiisha u sheegeen jariirada.

Ciidamada Kumaandooska oo tababaro siin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya si ay isaga difaacaan Al-Shabaab ayaa inta badan loo raray Jabuuti iyo Kenya. Hadda ciidamada Mareykanka ayaa doonaya in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka uu dib ugu soo celiyo ciidamadaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka soo baxeen Soomaaliya bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxaan qiimeyneynaa inuu sare u kac ku yimid dhaq-dhaqaaqyada al-Shabaab, maadaama aysan kooxdu la kulmin wax cadaadis ah oo hadda jira oo ay haystaan ​​xornimada dhaqdhaqaaqa,” sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta.

“Haddii aysan sii jiri doonin cadaadis la saarayo [al-Shabaab], welwelku wuxuu noqon in ay khatar ku noqdaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.” Ayuu yiri sarkaal oo la magacaabin sababtoo ah looma ogola in uu ka hadlo arrintaan.

Howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ciidamada Mareykanka ayaa ku fiday caalamka 20-kii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Mareykanka uu duulaanka ku qaaday dalka Afgaanistaan, iyadoo ciidamada ay beegsadeen Al-Qaacida, xulafadeeda iyo markii dambe, oo ururka Daacish meel kasta oo ay joogaan kula diriray sida Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yemen ilaa Soomaaliya ilaa Filibiin.

Laakiin Pentagon-ka waxa ay Al-Shabaab u aragtaa in ay yihiin garabka ugu awoodda badan Al-Qaacida, waxaana lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahan. Si looga hortago faafitaanka kooxda, Wasaaradda Difaaca tan iyo 2007 waxay qabatay hawlgallo gaar ah oo qarsoodi ah oo ka dhan ah.

Dagaalkaas gaarka ah ayaa inta badan loo igmaday awooda cirka kadib amarkii Trump ee daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo duqeymaha cirka ay noqdeen qaabkii dhabta ahaa ee looga adkaan lahaa al-Shabaab.

Laakin kadib markii Biden uu xafiiska la wareegay, maamulka ayaa si deg deg ah u dhimay tirada duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dib loo eegayaa go’aanka Trump.

Intii lagu guda jiray qiimeynta, oo qayb ka ahayd indho-indhayn ballaaran oo lagu eegayo halka laga qaybinayo ciidamada Mareykanka ee dibadda, ayaa kumaandooska Mareykanka loo oggolaaday in ay booqdaan Soomaaliya si ay u tababaraan cutubyada dagaalyahannada maxalliga ah (Danab).

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa ku doodaya in ay aad waxtar u yeelan lahayd in askarta maxalliga ah ay dagaallamaan oo ay ka garab tababaraan ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay fududaan lahayd in la isku duwo weerarrada cirka ee ciidamada dhulka jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM