Booliiska dowlad goboleedyada oo helay awoodo dheeraad ah

Image
Booliiska Puntland ayaa isagu ka maqnaa madashii xarunta ku meelgaarka maamulka Jubaland.

KISMAAYO, Jubaland - Shir kusoo gebogeboobay magaalada Kismaayo oo ay yeesheen taliska booliiska heer federaal iyo kan heer dowlad goboleed ayaa laga soo saaray go’aano weji cusub u yeelaya booliiska dalka oo wixii hadda ka horeeyay aysan aad u kala caddayn sida awoodaha u kala xadaysanyihiin.

Waxaa markii ugu horeysey booliiska dowlad goboleedyada loo ogolaanayaa awoodo dheeraad ah sida in ay samaystaan Laanta Dambi Baarista oo loo bixiyay CIU, halkan tan heer federaal ay tahay CID.

Waxaa kale oo dowlad goboleedyada loo ogolaaday in ay samaystaan ciidanka illaalada xeebaha, iyada oo sidoo kale tashi la galinayo arrinta laanta miino baarista oo iyadana in labo heer laga dhigo laga fikarayo.

Xarumaha dhaqancelinta ee DDR ayaa la isla soo qaaday kadib markii uu go’ay dhaqaalihii beesha caalamka ku bixin jirtay, waxaana la sheegay in dhaqaale loo raadin doono xarumaha dowlad goboleedyada ku yaala.

Booliiska dowladda federaalka federaalka ayaa loo dhaafay la macaamilka Booliiska Adduunka ee Interpol, iyada oo ay jiraan mashaariic muhiim ah oo ku xiran arrinkani.

Booliiska Puntland ayaa isagu ka maqnaa madashii xarunta ku meelgaarka maamulka Jubaland oo uu furey taliyaha booliiska federaalka Jeneraal Sulub Axmed Firin. Maqnaanshiyaha Puntland ayaa salka ku haysa go'aan uu gaarey madaxwayne Deni oo ahaa in la hakiyo la shaqeynta maamulka Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM