Booliska Soomaaliya oo fariin digniin ah u diray shacabka Muqdisho

Image
Fariintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay laga digayay weerar argagixiso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu soo saaray wargelin muhiim ah taasoo ka kooban labo qodob oo digniin iyo dhambaal ku wajahan dadweynaha.

HOOS KA AKHRISO FARIINTA

Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda: 

1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan. 

2-  Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda.

Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay'adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah. 

Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan.


Sikastaba ha ahaatee, fariintan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli ay maalmihii lasoo dhaafay jireen digniino ku saabsan in ay Muqdisho ka dhici karaan weerar ay geysato maleyshiyadda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Waan Shisheeye u Adeegsaday Khilaafka Soomaaliya – Axmed Madoobe oo Kenya la Geeyey

Xogta laga helayo ilo-wareedyada ayaa tilmaamaysa in kulankan uu ka dhashay codsi uu Madaxweynaha Soomaaliya….

  • Soomaliya

    25-10-2024

  • 03:26PM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2025

Waxaa kale oo golahu uu ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah.

  • Soomaliya

    24-10-2024

  • 03:16PM