Burcad-badeedka ku xiran Kenya oo codsaday in Somalia loo wareejiyo

Image

October 20, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Kenya kala hadleysa sidii dhanka Somalia loogu soo wareejin lahaa 122  burcad-badeed ah oo Kenya ku xiran.

Maxaabiistaas oo badankoodu ku jira xabsiga Shimo la Tewa ee ku yaalla  magaalada xeebta leh ee Mombasa kuna xukuman inta u dhexeysa 5 ilaa 20 sano oo xarig ah waxaa ku jira qaar xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Safiirka Somalia u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in maxaabiistaasi codsadeen in dalkooda hooyo loo wareejiyo si xukunkooda inta ka dhiman ugu dhameystaan.

" maxaabiista waxan ku booqday xabsiga Shimo la Tewa, qaarkood waxay kasoo kabanayaan dhaawacyo badda kusoo gaarey qaar kale waxaa jirkooda ku jira xabado qaliin bayna rabaan si looga soo saaro, kuwo kalena sokor iyo dhiig-kar bay qabaan" Danjir Ameeriko ayaa sidaas u sheegay wargeyska The Standard ee dalka Kenya kasoo baxa.

Waxaa xusid mudan in tobannaan maxaabiis burcad-badeed ah oo ku xirnaa dalka dibaddiisa gaar ahaan jaziiradda seychelles Somalia dib loogu soo celiyey, xiliganna ay ku jiraan xabsiyo ku yaalla Putland iyo Somaliland oo xukunkooda inta uga dhiman ku dhameysan doonaan.

GAROWE ONILINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM