Burcad-badeedka ku xiran Kenya oo codsaday in Somalia loo wareejiyo

Image

October 20, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Kenya kala hadleysa sidii dhanka Somalia loogu soo wareejin lahaa 122  burcad-badeed ah oo Kenya ku xiran.

Maxaabiistaas oo badankoodu ku jira xabsiga Shimo la Tewa ee ku yaalla  magaalada xeebta leh ee Mombasa kuna xukuman inta u dhexeysa 5 ilaa 20 sano oo xarig ah waxaa ku jira qaar xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Safiirka Somalia u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in maxaabiistaasi codsadeen in dalkooda hooyo loo wareejiyo si xukunkooda inta ka dhiman ugu dhameystaan.

" maxaabiista waxan ku booqday xabsiga Shimo la Tewa, qaarkood waxay kasoo kabanayaan dhaawacyo badda kusoo gaarey qaar kale waxaa jirkooda ku jira xabado qaliin bayna rabaan si looga soo saaro, kuwo kalena sokor iyo dhiig-kar bay qabaan" Danjir Ameeriko ayaa sidaas u sheegay wargeyska The Standard ee dalka Kenya kasoo baxa.

Waxaa xusid mudan in tobannaan maxaabiis burcad-badeed ah oo ku xirnaa dalka dibaddiisa gaar ahaan jaziiradda seychelles Somalia dib loogu soo celiyey, xiliganna ay ku jiraan xabsiyo ku yaalla Putland iyo Somaliland oo xukunkooda inta uga dhiman ku dhameysan doonaan.

GAROWE ONILINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM