C/Raxmaan C/Shakuur oo sheegay madaxwayne Xasan Sheekh doonayo muddo kororsi

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sanad iyo bilooyin ay ka dhiman tahay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi xilli ay sanad iyo bilooyin ay ka dhiman tahay muddo xileedkiisa.

Warsame ayaa waxa uu qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa Facebook-ga ku sheegay inuu muhiim ay tahay in shirka wadatashiga qaranka ee Muqdisho uu diirada saaro sidii dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan.

Sidii inta sanadka ka harsan loo qaban lahaa doorashooyinka dawlad goboleedyada muddo xiloodkoodu dhammaaday, sababtoo ah sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada waxay wiiqaysaa awooddooda sharci, waxayna u nuglaynaysa rabitaanka Madaxweynaha iyo meelmarinta danihiisa shakhsiga ah oo uu muddo kororsiga ku doonayo, waxyna hubanti la’aan gelinaysaa doorashada federaalka ee 2026, taasoo halis ku ah amniga, sharciyadda dowladda iyo xasilloonida dalka.

Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.

Waa in kulanka looga arrinsadaa sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daahfuran.

In meel looga soo wada jeesto la dagallaanka kooxaha argagexisada iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Ma jirto cid kaga waaya-aragsan Madaxweyne Xasan Sheekh dhibka iyo shiddada ay leedahay muddo kororsi iyo xukun aan sharciyad lahayn.

Waxaa horyaalla hadalladii uu jeedin jiray, doodihii iyo dagaalkii hubaysnaa ee uu ka galay arrinkaas, waxaan rajaynayaa in da’da, PhD iyo doorashada labada jeer ay waaya aragnimo ku kordhin doonaan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM