Cabdiraxman Dheere oo hungoobay in uu mar kala qaato HOP124

Image
Guuldaradaan maqaar-xanuun-jineysa Fahad ayaa soo ifbaxday iyada oo dhowr iyo toban kursi loo asteeyay Hirshabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxdiisa oo ku guulaystay in ay xildhibaano ka dhigaan xubno ka tirsan hay’adda NISA ayaa hada ku guuldaraystay in ay soo saaraan Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacanta midig ee Fahad Yaasiin kaas oo horay ugu fadhiyay kursiga Hop#124 ee deegaan doorashadiisu tahay Kismaajo.

Jubbaland ayaa Jimcihii shaacisay Odayaasha iyo bulshada rayidka soo xulaysa #HOP124 oo 12 sano ee la soo dhaafay uu ku dhafiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo magaciisa u badalay Cabdiraxmaan Dheere kana mid ah gacan yarayaasha Fahad Yaasiin.

Guuldaradaan maqaar-xanuun-jineysa Fahad ayaa soo ifbaxday iyada oo dhowr iyo toban kursi oo loo asteeyay Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ay qaateen xubno ka tirsan NISA oo Farmaajo ku difaacay Afganbigii dhicisoobay, mudo dheeraysigii iyo gaboodfalo maamulkiisu gaystay sida ay sheegeen xubno ka tirsan mucaadka.

Xubnahaaas waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin, Yaasiin Faray iyo Kulane Jiis oo dhamaantood lagu eedeeyay dilkii iyo qarintii Ifraan Tahliin oo ka mid aheyd saraakiisha mukhaabaraadka.

Garowe Online, ayaa fahamsan in kursigaan loo xiray nin lagu magacaabo Maxamed Nadiif, kaasoo ah qofka C/raxmaan Dheere uga horeeyay kursigaan, wuxuuna xildhibaan soo ahaa inta u dhexeysay sanadihii 2004 ilaa 2012.

Sidoo kale Nadiif sanadii 2012 wuxuu kamid ahaa musharixiintii isu soo taagtay xilka madaxtinimo, waana nin qunyar socod ah oo aan la garan karin koox uu ku xiran yahay, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha u sahlay qaadashada kursiga.

C/raxmaan Dheere ayaa sameeyay dadaal kasta si uu kursiga ugu soo laabto markiisii 4-aad balse waxaa arintaas qaadan waayay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo gacanta ku haaya doorashada maamulkiisa.

Saraakiil si dhaw ula socotay hadal haynta kursigaan ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in ay Kismaayo tageen ergo ka socota Cabdiraxmaan Dheere si ay ugu qanciyaan Madaxtooyada Kismaayo dib u doorashada sarkaalkaan ka tirsan NISA balse oo sheegay in uu eersaday kaalintiisii muuqatay ee duulaankii ka dhanka ahaa Jubaland ilaa uu gaaray inuu soo kala furo Jubaland iyo wasiirkeedii Amniga Cabdirashiid Janan oo isku dhiibay kooxda Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo soo saartay amar culus xili ay dagaal ku jirto

Ganacsiyada yaryar ee aan shati lahayn ee ka howlgala suuqyada dadweynaha waa la mamnuucay.

  • Soomaliya

    26-01-2025

  • 08:50AM

Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cirro oo u safray dalka Imaaraadka

Somaliland ayaa raadinaysay wax aqoonsi siiya mudo 34 sano ah, waxaana gudahooda ka socda dagaallo iyo kala go' oo kasoo dhex baxayaan Maamull kale.

  • Soomaliya

    26-01-2025

  • 08:16AM