Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

Image

Entebbe, Uganda – Cadaadis ayaa sii kordhaya oo lagu saarayo Guddiga Midowga Afrika si uu u helo dhaqaale joogto ah oo lagu taageero Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), xilli madaxda dalalka ciidamadooda ku bixiya Soomaaliya ay ka digeen in guulaha la gaaray ay halis ugu jiraan dib u dhac haddii aan si degdeg ah loo xallin caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka.

Shir madaxeed ka dhacay Madaxtooyada Entebbe ee Uganda, kaasoo uu martigeliyay Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, ayaa si cad u sheegay in howlgalka AUSSOM uu wajahayo baahi weyn oo dhanka maaliyadda ah, taasoo u baahan taageero degdeg ah oo ka timaada Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka.

Madaxda waxay ku baaqeen:

In la sameeyo istiraatijiyad rasmi ah oo loogu talagalay abaabulka iyo helista maalgelin waarta
In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab
In si degdeg ah loo buuxiyo baahiyaha howlgaleed iyo qalabeynta ciidamada
In la xoojiyo tababarka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si loo helo ciidan isku dhafan oo leh manhaj mideysan
In la sameeyo hannaan lagaga hortago ifafaalaha xagjirnimada iyo dacaayadaha kooxaha argagixisada ah
Shirka waxaa sidoo kale lagaga hadlay qorshaha bixitaanka AUSSOM, xaaladda horumarka Ciidamada Qaranka, iyo sida loo xoojin karo isla xisaabtanka, dabagalka iyo kormeerka howlgalka si wax looga qabto caqabadaha amniga ee ka jira Soomaaliya.

Madaxda kasoo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda Kenya, Djibouti, Masar iyo Itoobiya, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay wajahayo xaalad amni oo aad u xasaasi ah, taasoo ku xiran tahay sida loo helo taageero dhab ah oo caalami ah si loo ilaaliyo guulaha la gaaray una suurtogeliyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto amniga dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM